Diyaarad Helicopter ah oo weerar ku qaadday guri ku yaalla degmada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose


 Diyaarad  nooca qummaatiga u kaca ah oo la rumeysan yahay inuu leeyahay Mareykanka ayaa gantaal ku weerartay guri ku yaalla degmada Marko ee xarunta gobolka Shbeellada hoose, kaasoo la sheegay inay ku suganaayeen saraakiil ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Weerarkan oo dhacay maanta oo Axad ah 9:30-daqiiqo, ayaa waxaa la sheegay in diyaaradu ay kasoo tuurtay gantaalka gudaha badweynta Hindiya, wuxuuna ku dhacay  meel ku dhow guriga weerarka lala damacsanaa, iyadoo aan la sheegin cid wax ku noqotay.

“Saakay, ayay diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah kasoo duushay markab dushiis.,waxayna gantaal ku weerartay guri ku yaalla Marko, ma jirto cid wax ku noqotay,” ayuu HOL u sheegay sarkaal sare oo ka tisran Xarrakatul Shabaab, kaasoo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

 Ciidammada Xarrakatul Shabaab, ayaa rasaas ku furay diyaaradda, taasoo la sheegay inay dib ugu laabtay halkii ay ka timid, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii labada oo ka dhaca gobolka Shabeellada hoose, iyadoo weerarkii hore lagu dilay Saalax Cali Nebhaan oo Mareykanku uu sheegay inuu ahaa hoggaamiyaha Al-Qaacida ee ku sugan bariga Afrika.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ayaan ka hadlin weerarkan, iyadoo sidoo kale aysan jirin dowlad sheegtay inay mas’uul ka tahay weerarkaas, waxaana goobjoogayaal ku sugan Marko ay sheegeen in cabsi weyn ay dareemeen markii uu weerarku dhacay.

Gobolka Shabeellada hoose ayaa ka mid ah gobollada ay Xarrakatul Shabaab maamusho ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya, waxaana weerarkan uu kusoo beegmay xilli Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka sheegay shirka Qarammada Midoobay in kooxaha dowladdiisa kasoo horjeeda ay doonayaan inay Soomaaliya ka dhigaan saldhig ay Al-Qaacida uga duusho caalamka.

Add New Comment