Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay xiriir wanagsan la yeelaneyso Somaliland iyo Puntland


Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay qorsheyneyso sidii ay u xoojin lahayd xiriirka wada-shaqeyneed ee ay la leedahay maamullada ka jira Soomaaliland iyo Puntland si loogaga hortago fididda afkaarta xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya.

Mas'uulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Johnnie Carson oo saxaafadda kula hadlayey magaalada New York ee waddanka Mareykanka oo uu maalmahan ka socday shir-madaxeedkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa caddeeyey in dowladda Mareykanka ay xiriir dhow la yeelaneyso Ismaamul-goboleedyada ka jira Soomaaliya iyo Ururrada dagaalka kula jira xoogagga hubeysan ee la dagaalama dowladda Soomaaliya.

Johnnie Carson waxa kale oo uu sheegay in Mareykanku uusan labadaasi maamul ee Somaliland iyo Puntland u aqoonsan doonin sidii labo dal oo madaxbannaan, balse ay ka caawini doonaan dhinacyada dhaqaalaha, beeraha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Johnnie Carson ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu si wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee dagaalka kula jira xoogagga Islaamiyiinta ah ee gacanta ku haya inta badan gobollada koonfureed ee Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sida la ogyahay taageero mileteri siisa Dowladda KMG iyo AMISOM, ayagoona in badan ku celceliyey in Soomaaliya ay gabaad ka dhigtaan dagaalyahanno ajnabi ah oo gacan saar la leh ururrada Islaamiga ah ee ka dagaalama gudaha waddanka Soomaaliya.

Add New Comment