Madaxweyne Shariif oo guddoomiyay kulan looga hadlayay Soomaaliya oo la dhacay Magaalada New York


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon, ayaa si wadajir ah u guddoomiyay kulan xalay lagu soo gabgabeeyay Magaalada New York ee dalka Mareykanka, kaasoo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif, ayaa khudbaddii uu ka jeediyay shirka wuxuu kaga hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo midda bani'aadamnimo ee Soomaaliya, isagoo ka codsaday dalalka iyo ururrada shirkaas ka qaybgalay inay gacan ka siiyaan sidii dib loogu soo celin lahaa nabadda Soomaaliya.

"Madaxweynuhu, wuxuu codsaday in tababar loo fidiyo ciidammada dowladda iyo la dhameystiro ciidammada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, kuwaasoo ka socda dalalka Burundi iyo Uganda," ayuu yiri wasiir arrimaha dibadda ee Soomaaliya Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg).

Wasiirku, wuxuu sheegay in madaxdii kasoo qaybgalay shirkaas ay muujiyeen, sida ay uga go'an tahay gacansiinta Soomaaliya, isagoo sheegay in Sheekh Shariif uu sheegay in dowladdu ay albaabbada u furtay cid walba oo doonaysa inay wadahadal la gasho xukuumadda.

Madaxda shirkaas ka qaygalay oo ka socday 40-waddan iyo ururro ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo kuwo kale oo caalami ah, waxaana shirka oo dhan diiradda lagu saaray arrimaha dalka Soomaaliya.

"Afrika diyaar ayay u tahay inay dhameystirto ciidammada AMISOM ayna gaarsiiso 8,000-askari, balse waxaa loo baahan yahay dhaqaale lagu geeyo ciidammadaas dalka Soomaaliya iyo qalab ay ciidammadu adeegsadaan," ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Jean Ping oo shirkaas ka hadlay.

Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon, oo isaguna ka hadlay shirkaas ayaa sheegay in looga baahan yahay madaxda DKMG ah inay khilaafaadyadooda xal ka gaaraan, sidoo kalena ay xoojiyaan dib u heshiisiinta, ammaanka dalka sidii lagu soo-celin lahaana ay dhexda u xirtaan.

Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya ay khatar muuqata ku yihiin dalalkooda iyo kuwa gobolka oo dhan, iyagoo dalbaday in xoogga la saaro sidii lagu xasilin lahaa.


Add New Comment