ugu yaraan 20 ruux ayaa ku geeriyootay dagaaladii maanta


 Taliye ku xigeenka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saxaafada u soo bandhigay meydadka kooxihii ka soo horjeeda iyo qoryo gacmeedyo isugu jiray AK47 iyo BKM oo ay ka qabsadeen mucaaradka, iyadoo  Xarakada Al Shabaabna  sheegatay in dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dileen ilaa 10 askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM
 
 Madaxa Gaadiidka Gurmadka deg dega,  ayaa sheegay in maanta ay aheyd maalin  dhibaato ba'an ay soo gaartay shacabka ku nool magaalada Muqdishu,waxa uu sheegay in ay arkeen ilaa 68 dahawac iyo 19 qofood dhimasho ah ilaa hadana ay wadaan daabulidda dadka waxyeelada kasoo gaartay  dagaaladaasi.
 Madaafiicda ugu badan waxay ku hoobteen suuqa bakaaraha oo xilligaas ganacsi teel teel ah ka jiray, waxaana goob qura oo ka mid ah wadada Koowaad ee suuqa Bakaaraha uu ku dilay ilaa 10 ruux oo isugu jiray haweenka shaaha ku iibiya suuqa ,ilmaha ka xamaasha suuqa iyo dad kale oo wax ka iibsanaayey.

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo galabta la hadlayay Warbahainta Muqdisho ayaa sheegay in maanta dhowr jiho ay ka weerareen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,isagoo intaasi ku daray in dagaalkaasi maanta ay ku dileen 9 askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Gaashaanle Bariijiya Bahuuko oo ka waramay dagaaladka ayaa Caawa  waxaa uu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam weerar ay ku soo qaadeen fariisimaha ay ku leeyihiin degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag, waxaana uu sheegya in halkaasi uu ka dhacay dagaalo culus oo fool ka fool ah.
waxa uu sheegay dagaaladaasi inay ku dileen ilaa 25 dagaalyahan oo uu sheegay in ay ka tirsanaayeen  Al Shabaab islamarkaana ay kala wareegeen hubkii ay wateen, waxaana uu intaasi ku daray in meydadka dagaalyahanadaasi ay u bandhigeen qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho iyo kuwa dibaddaba.

 Sidoo kale  Taliye ku xigeenka xoogga dalka ayaa saxaafada u sheegay in Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay maanta horumar ka sameeyeen dagaaladii cuslaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo  warbaahinta u sheegay in ciidamada Al Shabaab ay ka durjiyeen agagaarka  Madaxtooyada Villa Soomaaliya .wuxuuna sheegay in Ciidamada Dowladda ay qabsadeen Gurigii   Aadan Cadde(Madaxweynihii u horeeyay ee Soomaaliya) oo ku yaalay degmada Wardhiigley, waxaana yiri waxaan  kaabiga u saaran nahay waddada gasha suuqa Bakaaraha.
 
Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa dhankooda soo sheegaya in la soo gaarsiiyay dhaawacyo dad ku dhow 80 ruux oo ahaa rayid ah kuwaasoo maanta oo kaliya ku soo dhaawacmay dagaalada iyo madaafiicda is daba jooga aheyd ee ku hoobanaayey suuqa Bakaaraha, waddoouinka  iyo Guryahoodaba.

Add New Comment