Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Angola oo sheegay in dalkiisu uu tababar siin doono ciidamada Soomaaliya


Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Angoola George Chikoty oo ka hadlayey kulanka 65-aad ee wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka adduunka uga socda xarunta Qaramada Midoobay uga soconaya magaalada New York ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu Dowladda KMG Soomaaliya u tababaro ciidamo.

Mr. George Chikoty ayaa intaa ku daray in tallaabadani ay qayb ka tahay taageerada Midowga Afrika uu la garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya iyo dadaalka beesha caalamka ugu jirto nabad ku soo dabaalidda waddanka Soomaaliya ee ay dagaalladu ka jireen muddada ku dhow 20-ka sano.

Xoghaye Chikoty waxa uu intaa ku daray in ay tahay lagama maarmaan in beesha caalamku ay taageero dhinac kastaba ah u fidiso dowladda Soomaaliya ee ay dagaallada ba'ani ku hayaan xoogagga diiddan jiritaankeeda iyo joogitaanka ciidamada AMISOM ee gudaha magaalada Muqdisho.

Kulankan madaxda adduunka uga socda xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ayaa lagu wada in si weyn loogu lafaguro xaaladda murugsan ee dalka Soomaaliya, ayadoona ay kulankaasi ka qaybgeli doonaan Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Add New Comment