Ciidamo Ethiopian ah oo soo buuxdhaafiyey degaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan, halkaasna ka wada dhaqdhaqaaq


Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo fara badan, kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ay soo galeen degaanka Kalabeyrka, halkaasoo ay hadda ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan.

Ciidamada Ethiopianka ah ee halkaasi soo gaaray ayaa sida la sheegay ay la socdaan saraakiil ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaliya oo uu ku jiro guddoomiyihii gobolka Hiiraan ee dowladda Yuusug Axmed Xagar (Daba-geed).

Ciidamadan ayaa sida la sheegay gobolka Hiiraan kasoo galay xadka uu gobolkaasi la wadaago dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, waxaana la saadaalinayaa in ay suurtagal tahay in halkaasi uu ka dhaco dagaal, ayadoo haatan uu gobolka Hiiraan ka jiro maamul hoos yimaada Xarakatul Shaabaab Al Mujaahidiin.

Horey ayaa waxa goobo ka mid ah gobolka Hiiraan waxa ugu sugnaa ciidamo taageersan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, kuwaasoo beryihii ugu dambeeyey ku gooddinayey inay weerarro ku ekeyn doonaan goobaha ay gobolkaasi kaga sugan yihiin xoogagga Xarakatul Shabaab oo ay ku jirto magaalada xarunta gobolka ah ee Beledweyne.


Add New Comment