Madaxweyne Shariif oo magacaabay sii-haayaha jagada ra'iisul wasaaraha, kaddibna New York u safray


Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi la socday ayaa ka dhoofay dalka, ayagoo ku sii jeeda magaalada New York ee waddanka Mareykanka halkaasoo ay kaga qaybgeli doonaan shir-madaxeedka Golaha Guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa.

Safarka Madaxweynaha ayaa yimid saacado kaddib markii uu soo afjarmay qilaafkii ka dhexeeyey isaga iyo ra'sulwasaare Cumar Cabdirashiid, kaddib markii uu ra'iisul-wasaaruhu go'aansaday inuu iska casilo xilkii uu u haayey Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa intii uusan dalka ka dhoofeen warqad qoraal ah oo xafiiska ka soo baxday lagu magacaabey mudane Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo xukuumadda is casishay ra'iisul wasaare ku xigeen ka ahaa inuu noqdo sii-haayaha xilka ra'iisul wasaaraha Xukuumadda KMG ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa la filayaa inay kulamo kula qaataan magaalada New York madax fara badan oo caalamka ka socda inta uu socdo shirka madaxda adduunka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa, kaasoona lagu wado in lagaga wada hadlo qodobbo dhowr ah oo ay ku jirto xaaladda murugsan ee dalka Soomaaliya iyo sidii xal loogaga gaari lahaa.

Add New Comment