Ra'iisul-wasaarihii Xukuumadda KMG ee Soomaaliya oo iska casilay xilkii uu hayey


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ra'iisul-wasaarihii xukuumadda KMG ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke uu iska casilay maanta xilkii uu ka hayey xukuumadda, kaddib khilaaf xooggan oo muddo u dhaxeeyay isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif.

Ra'iisul-wasaare Sharma'arke ayaa la sheegay inuu maanta Istiqaaladiisa u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taasoo madaxweynuhuna uu ka aqbalay ayadoona madashaasi ay ku sugnaayeen guddoomiyaha barlamaanka iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Xukuumadda KMG.

Intaas kaddib ayaa ra'iisul-wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo saxaafadda la hadlayey ayaa waxa uu sheegay inuu asagu ka tanaasulay xilkii uu hayey dowladda, kaddib markii uu sii xoogeystay khilaafkii u dhexeeyey asaga iyo Madaxweynaha.

Sidoo kale ayaa waxa saxaafadda la hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inuu aqbalay istaqaalada ra'iisul-wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, asagoona intaasi ku daray inuu si deg-deg ah u soo magacaabi doono ra'iisul wasaare cusub oo soo dhisi doona dowlad tayo leh.


Add New Comment