Dowladda Soomaaliya iyo Xisbul Islaam oo guulo ka kala sheegtay dagaal maanta ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho


Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallo xooggan oo ay barbar socdeen madaafiic culus oo maanta labada dhinac ku dhexmaray xafado ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Dowladda Soomaliya oo la hadlayey idaacadaha maxaliga ah ayaa sheegay in xoogagga Xisbul Islaam ay weerar ku soo qaadeen aagag ay ay degmada Hodan kaga sugnaayeen ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.

Afhayeenkan u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dagaalladii maanta guulo kasoo hooyeen, ayna kuwii weerarka soo qaaday dagaalka kaga dileen 8 ka mid ah ciidankooda, kuwaasoo uu sheegay inay maalinta berito ah saxaafadda u soo bandhigi doonaan meydadkooda iyo hubkii ay ka furteenba.

Sidoo kale waxa asagana dhankiisa dagaalka ka hadlay afhayeenka howlgallada Xisbul Islaam Maxamed Cusmaan Caruus oo sheegay in dagaalkii maanta uu yimid kaddib markii ciidamada Xisbul Islaam ay weerareen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, asagoona intaa ku daray inay qasaare culus gaarsiiyeen ciidamada Dowladda ee ku sugnaa degmada Hodan, wuxuuna intaa raaciyey in weerarada noocan oo kale ah ay maalin kasta ku qaadi doonaan ciidamada dowladda.

Si kastaba ha ahaatee wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalkii maanta ka dhacay magaalada ay ku naf waayeen 4 ruux iyo tirada dadka ku dhawaacmay oo ayadana lagu sheegay inay gaareysay 10 ruux.

Add New Comment