Dowladda Ingiriiska oo war-saxaafadeed kasoo saartay xaaladda Soomaaliya


Waxa magaalada Nairobi ee waddanka Kenya war-saxaafadeed kasoo saaray wakiilka dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Matt Baugh, kasoo uu si weyn ugu cambaareeyey dagaallada ka dhacaya magaalad Muqdisho ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah iyo sidoo kale weerarkii lagu dilay 4 ka tirsanaa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxa kale oo war-saxaafadeedkan lagu soo qaatay tacsi dowladda Ingiriiska ay u direyso qoysaskii iyo eheladii ay dadkooda ku waxyeelloobeen dagaallada Muqdisho oo ay ku jiraan askartii u dhalatay dalka Uganda ee dhowaanta lagu laayey Muqdisho, sidoo kalena waxa tacsi taas la mid ah loogu diray ururka Midowga Afrika.

War-saxaafadeedkan ayaa waxa si aad ah loogu daleeceeyey la wareegiddii ay dhowaan Xarakatul Shabaab la wareegeen Idaacaddii Qur'aanka Kariimka ah ee ka howlgeli jirtay magaalada Muqdisho, taasoo lagu sheegay inay tahay mid wax u dhimeysa saxaafadda xorta ah ee Soomaaliya ka jirta.

Qoraalkan ayaa waxa kale oo lagu qaatay qaraxii ka dhacay Hotel Muna ee magaalada Muqdisho iyo weliba weerarada joogtada ah ee Xarakatul Shabaab ku dooneyso inay ku mijaxaabiso Dowladda KMG ee Soomaaliya ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti iyo in ururrada dagaalamaya ay rabaan inay sii daba dheeraato dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa qoraalkan lagu sheegay sida Dowladda Ingiriiska u garab taagan tahay heshiiskii Jabuuti ee ay kasoo dhalatay Dowladda KMG, howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo dadaalka beesha caalamka ay ku dooneyso in nabad iyo dib u-dhis loo helo waddanka Soomaaliya.

 

Add New Comment