Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo Madaxweyne Sheekh Shariif shalay kula kulmay magaalada Muqdisho


Wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay uuna hoggaaminayey Kaaliyaha Xoghaya Guud ee Arrimaha Siyaadda B. Lynn Pascoe ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya la kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Kulanka dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, waxaana wafdiga Qaramada Midoobay ka mid ahaa wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga iyo mas'uuliyiin kale.

Markuu kulanka labada dhinac soo dhamaaday kaddib ayaa waxa saxaafadda la hadlay madaxa wafdiga Qaramada Midoobay B. Lynn Pascoe iyo Augustine Mahiga, waxayna sheegeen inay Muqdisho u yimaadeen inay la kulmaan Madaxweyne Sheekh Shariif si ay ugala xaajoodaan arrimo badan oo ku saabsan siyaasadda iyo ammaanka waddanka Soomaaliya.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa isla shalay dib ugu laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


Add New Comment