Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigii la socday oo dalka dib ugu soo laabtay


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya sheekh shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii la socday ayaa dalka dib ugu soo laabtay saakay, kaddib markii ay soo dhammeysteen booqasho gaaban oo ay ku tageen magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay dalka ka maqnaayeen muddo 24 saac ah, ayadoona uu madaxweyne Sheekh Shariif kulan kula soo qaatay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda madaweynaha dalkaasi iyo mas'uuliyiin kale, halkaasoo ay uga wada hadleen arrimo quseeya xiriirka labada dal iyo xaaladda ammaan ee Soomaaliya.

Uganda ayaa ciidamo dhowr kun ah waxa ay ka joogaan gudaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana weli laga rajeynayaa inay ku soo kordhiso ciidamo kale oo dheeri ah.

Mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa si diirran ugu soo dhoweeyey gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde Int'l Airport ee magaalada Muqdisho.


 


Add New Comment