Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta u dulay dalka Uganda


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayagoo ku sii jeeda magaalo-madaxda waddanka Uganda ee Kampala.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa ka mid ah saraakiil sar-sare oo ka mid ah ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Uganda la kulmi doona madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaasi.

Dalka Uganda ayaa waxa uu tababar uga socdaa ciidamo ay leedahay Dowladda KMG ee Soomaaliya oo ay tababar siiyaan saraakiil miletari oo ka socota Midowga Yurub, waxayna Uganda saamiga ugu weyn ku leedahay ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ka jooga magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu ku soo beegmay ayadoo aan weli xal laga gaarin murankii madaxweynaha kala dhexeeyey ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG Cumar Cabdirashiid Cali, taasoo la filaayo in maalmaha soo socda ay hor timaado golaha Barlamaanka si ay u weydiisato kalsooni.

Add New Comment