Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta qudbad ka jeediyey kulankii barlamaanka


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta qudbad uu kaga hadlay muranka ka dhashay qoraalka dastuurka qabyada ah ka  horjeediyay kulan ay xildhibaannada baarlamaanku ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay kasoo qayb galeen xildhibaano tiradooda lagu sheegay 350 ayaa waxa shir-guddoominayey ku simaha guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad  mudane Cabdiwali Ibraahim Muudeey.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay inuusan jirin wax qilaaf ah oo isaga kala dhexeeya madaxda kale ee Dowladda KMG, sababta uu uga soo qayb galay shirka barlamaankana ku sheegay in la kala war qaato oo keliya, dalkana la badbaadiyo.

"Waxaa la sheegaa in madaxda dalka uu khilaaf u dhexeeyo, ma jirto cid is-haysata, waxaana cid walba laga doonayaa inay waajibkeeda fuliso, aniga waxaad i saarteen waajibaad kaasoo ah inaan soo magacaabo ra'iisul wasaare aan ku ilaaliyo howsha, haddii uu gudan waayana aan soo magacaabo ra'iisul wasaare kale" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

Sidoo kale,wuxuu sheegay in haddii uu wax qaban waayo ra'iisul wasaaraha ay waajib ku tahay inuu u soo sheego, balse haddii uu qariyo ay noqonayso inuu galay qiyaano qaran, uuna dalka burburinayo.

"Marka Soomaaliya buuq laga sheego beesha caalamku waxay sameyn jirtay dadaal badan, balse waxaa moodda in hadda la gaaray xilligii aan khilaafka dhexdeenna ah xallin lahayn, waxaan caalamka ka codsanaynaa inay fursad na-siiyaan ayna nagu caawiyaan oo keliya wixii aan uga baahanno si aan khilaafkeenna u xallino," ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

Madaxweynaha mar uu ka hadlayey arrinta dastuurka qabyada ah oo uu qudbaddiisa kusoo hadal qaaday sheegay in qoriddiisa aan loo marin  wadadii saxda ahayd, sidoo kalena xubnaha qoray ay yihiin kuwo aan haysan kalsoonida baarlamaanka, laguna magacaabin wareegto madaxweyne.

Ugu dambeyn Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay dastuurka mid aan sharci ahayn oo aanay ku jirin danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana uu u muuqday mid laalay dastuurkan qabyo-qoraalka ah ee ay soo bandhigtay xukuumadda KMG ah ee ra'iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid.

Gebagabadii shirka ayaa waxa xildhibaannada baarlamaanka loo qaybiyay mooshin ka dhan ah dowaldda, iyadoo shir guddoomiyaha Mudane Cabdiweli Ibraahim uu sheegay in ra'iisul wasaaruhu uu soo gaarsiiyay inuu horimaanayo baarlamaanka maalinta berri ah.


Add New Comment