Dibadbaxyo lagu diiddan yahay gubista Qur'aanka Kariimka ah oo maanta ka dhacay gobollada koonfureed ee Soomaaliya


Inta badan gobollada koonfureed ee Soomaaliya ayaa waxa maanta ka dhacay dibadbaxyo ay soo abaabuleen maamullada Xarakatul Shabaab Al Mujahidiin, kuwaasoo lagaga soo horjeedo baadariga Mareykanka ah ee dhowaantan ku dhawaaqay inuu gubayo kutubka Qur'aanka Kariimka ah.

Dibadbaxyadaan ayaa yimid kaddib markii uu malinimadii shalay uu afhayeenka Xarakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cal Dheere) dadweynaha ugu baaqay inay dhigaan banaanbaxyo lagu diidayo gubista Qur'aanka Kariimka ah, waxaana haatan soconaya isu soo baxyo waaweyn oo ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo dhammaanba goobaha ay gacanta ku hayaan Shabaabka ee dalka Soomaaliya.

Dadweyne aad u fara badan ayaa ka qayb galaya dibadbaxyada kuwaasoo ku dhawaaqaya erayo  caro xambaarsan oo ay ku diidan yihiin hadalka dhowaantan kasoo yeeray baadiriga mareykanka ah ee sheegay inay gubayaan kutubka Qur'aanka kariimka ah, ayagoo taas xus uga dhigaya weerarkii lala beegsaday Xaruntii Ganacsiga Adduunka (World Trade Center) ee magaalada New York ee waddanka Mareykanka 11-kii Sebtember sanadkii 2001-da.

Mas'uuliyiin ka tirsan Xarakatul Shabaab ayaa ka qaybgalaya bannaanbaxyadan, ayadoona la filaayo inay dadweynaha kula hadlaan fagaarayaasha laysugu soo baxay ee gobollada iyo degmooyinka koonfureed ee dalka oo ay ku jirto qaybta ay Xarakaddu kaga sugan tahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Rev. Terry Jones oo ah ninka abaabulayey in la gubo kutubka Qur'aanka Kariimka ah ayaa markii dambe ka noqday falkaasi doqonnimada ah kaddib markii uu la kulmay culeys fara badan oo lagu saaray inuu ka laabto falkaasi foosha xun.



Add New Comment