Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku laabtay Muqdisho kulanna la qaatay xildhibaanno iyo wasiiro



Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah dib ugu laabtay Muqdisho, iyadoo ra'iisul wasaaruhu uu durba kulan la qaatay xildhibaanno iyo wasiirro ka tisran dowladda.

"Waxaan la idinka doonayaa inaad xallisaan khilaafka taagan, waayo khilaaf aan la xallin karin ma jirto, waxaan diyaar u ahay inaan la shaqeeyo hay'adaha dowladda, mana jirto meel aan ku iri shir hala qabto iyo tirada xildhibaannada hala dhimo," ayuu yiri ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo la hadlayay xubnaha uu maanta la kulmay.

Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu sheegay inaan loo baahnayn in howlo badan ay dowladda horyaallaan oo aan loo baahnayn in madaxda dowladdu ay iskhilaafaan, wuxuuna sheegay in dalka uu ku sugan yahay xaalad khatar ah.

"Dalkeenna halka amnigiisu marayo waa la arkayaa, waxaan haysanaa fursd aan ka helayno caalamka, mana habboona in lagu lumiyo khilaaf, idinka ayaa la idin kaga baahan yahay inaad tustaan qofka qaldan khaladkiisa, waayo awoodaas idinka ayaa leh," ayuu Sharm'arke u sheegay xubnihii uu la kulmay.

Kulanka dhexmaray ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha isugu jira xildhibaannada iyo wasiirrada ayaa ahaa mid saxaafadda loo ogolaaday inay goobjoog ka ahaato, wuxuuna Sharma'arke daboolka ka rogay in midnadu ay tahay mid wanaagsan.

"Waxaan wax ku nahay midnimo, waa inaad faragelisaan khilaafka, oo aad xal ka gaartaan, weliba khilaafka siyaasadeed waa midka ugu sahlan ee la xallin karo," ayuu Sharma'arke ku boorriyay xubnaha uu la kulmay.

Ugu dambeyn ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo safar dibadeed ku maqnaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa si deg-deg ah dalka ugu soo laabtay, kadidb markii mooshin laga keenay xukuumaddiisa, wuxuuna codsaday in wadashaqeyn ay dhexmarto baarlamaanka iyo xukuumadda, lana qabto qofkii qaldan.

Dhanka kale, Ra'iisul wasaare ku xigeenka koowaad ahna wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Sheekh Aadan Madoobe oo isaguna maanta shir jaraa'id ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda looga baahan yahay inay kalsoonida weydiisato baarlamaanka.



Add New Comment