Ciidamada Badda Midowga Yurub oo soo gelbiyey markab hub u sida AMISOM


Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dekedda magaalada Muqdisho u soo gelbiyey maraakiib xamuul oo hub u siday ciidamada Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya ee AMISOM.

Maraakiibta ganacsi ayaa waxa laga soo gelbiyey dekedda magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxayna u kala socdaan ciidamada AMISOM iyo hay'adda cuntada adduunka ee WFP oo ay u kala sidaan hub iyo raashiin gargaar ah.

Maraakiibta ay soo gelbiyaan ciidamada badda ee Midowga Yurub ka jooga xeebaha Soomaaliya ayaa markii ay soo gaaraan dekedda weyn ee magaalada Muqdisho waxa si buuxda ammaankooda ula wareega ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga.

Maraakiibta ganacsi ee badeecadaha kala duwan u soo wada dekedaha Soomaaliya ayaa waxa ay inta badan dhibaato waxa ay dhibaato kala kulmaan burcad-badeedda Soomaalida ah ee ka qowleysta badaha waddanka Soomaaliya.

Add New Comment