kalluumaysatada iyo Shacabka soomaaliyeed oo looga digay qatarta Haan ku soo caarisay xeebta Jasiira


 Ruquyo Cali Cabdulle oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Hanad ayaa  maanta war waafinta u Sheegtay in xeebta Jasiira ee duleedka Muqdisho ay ku soo caarisay Haan xiran oo la garanaynin waxa ku jira  balse waxay tiri waxaan rumeeysa nahay in ay ku jirto harraaga sunta wadamada hore u maray .
 
Gudoomiyaha Ururkaasi ayaa ugu baaqay Dowlada KMG ah ee Soomaaliya  in ay wax ka qabato sunta lagu daadinayo biyaha Soomaaliya taas oo wax u dhimi karta noolaha ku nool badaha,dadka iyo deegaankaba.

Guddoomiyada waxay Sidoo kale beesha caalamka ay  ku eedeeysay in ay waxba ka qaban  Sunta wadamada Warshadaha hore ugu maray ay ku soo daadinayaan xeebaha  Soomaaliya, Iyadoo haddana  Maraakiib dagaal ay ku sugan yihii xeebaha  Soomaaliya kuwaas oo  howlgalo caalami ah oo lagula dagaalamayo Burcad Badeeda Soomaalida ah halkaasi u jooga.

 Gudoomiyaha Ururka haweenka Hanad Shirka Jaraa’id oo ay  qabatay  ayaa ku soo beegmaya xilli dad xoolo dhaqato ah ay ku waxyeeloobeen sun ka soo butaacday Haan haatan ka hor ku soo caarisay xeebaha gobolka Jubada hoose, waxaana haaman noocan oo kale ah hore loogu arkay xeebaha Warshiiq iyo Mareeg, kuwaas oo dadka deegaanku ku  guuleeysteen in ay ku aasaan dhulka hoostiisa si loo yareeyo waxyeelada ka imaan karta.

Add New Comment