2 Gaari oo ay wateen ciidanka DKMG ah oo lagu qarxiyay Moqdishu



Al Shabab oo qiratay inay  ka dambaysay,laba qarax miino oo aad u xoogan ayaa maanta waxa ay ka kala dhaceen degmooyinka waaberi iyo Xamar weyne kuwaasi oo lala beegsaday Ciidamo katirsan dowladda KMG ah Soomaaliya iyadoo qaraxyadaasi midkood lala helay gaarigii lala beegsanayay.


Qaraxa labaad ayaa ka dhacay albaabka hore ee Xarunta Degmada Xamar weyne, waxaana lagula eegtay gaari  TOYOTA  ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda hayeeshee wuu ka badbaaday gaarigaasi waxaana ciidankii saarnaa qaarkood soo gaaray dhaawac ka dhashay firirkii qaraxa.

Add New Comment