Xarrakada Al Shabaab Al Mujaahidiin oo soo bandhigtay Ambalaasyo iyo sarkaal dowladda kasoo goostay



Afhayeen u hadlay maamulka Gobolka Banaadir ee Xarraka Al Shabaab ayaa  suuqa Bakaaraha kusoo bandhigay  laba baabuur oo Ambalaasyo oo lagu qaadi doono dhaawacyada ka dhasha dagaallada ka socdo magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen waxa uu yiri " haddii cadowgu aanu joojinayn duqaynta uu ku hayo shacabka, waxaan go'aansannay inaan howlgelinno ambalaasyo  u shaqeyn doono qof walba oo Soomaali ah, ayagoo tagi doona meel walba oo looga yeero si ay dhaawaca usoo qaadaan, in dhaawacu uu jidka uu kusoo jiro gaadiidkani waxaa la socda Kalkaaliyaal caafimaad kuwaasoo dhaawaca sii daaweyn doona inta uusan soo gaarin Cisbitaalka lagu wado in wax looga qabto dhibaatada soo gaartay".


Guddoomiyaha wuxuu beeniyay Al Shabaab inay madaafiic kusoo dhextuuraan Suuqyada iyo goobaha ay shacabku ku badan yihiin, wuxuuna ku tilmaamay eedeyntaasi  been iyo marmarsiiyo ay DKMG ah iyo AMISOM ku doonayaan inayku duqeeyaan Suuqyada iyo Guryaha Shacabka .

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay uga shaqeynayay Ambalaasyo ay hirgelinteeda lahaayeen  Shirkadaha Nation-Link , Life Line Afrika iyo  Amin Voluntery Ambulance, kuwaasoo ka howlgalay magaalada Muqdishu sannadkii hore .


Sidoo kale, Xarraka Al Shabaab waxay soo bandhigtay sarkaal kasoo goostay dowladda KMG ah oo magaciisa lagu  sheegay C/raxmaan Axmed Cabdi  , Sarkaalkani wuxuuna soo goosashadiisa sabab uga dhigay inuu u adkeysan waayay duqeynta AMISOM ay ku hayso suuqa weyn ee Bakaaraha iyo waxyeelada ay soo gaarsiisay duqayntaasi shacabka ku nool  magaalada Muqdisho guud ahaan .

Add New Comment