Iskahorimaad u dhexeeyay ciidammo booliis ah iyo kwuo madani ah ayaa
maanta ka dhacay dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasoo
sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dhinacyada uu dagaalku u
dhexeeyay.
Laba
askari oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay, waxaana ku
dhaawacmay saddex askari oo booliis ah, sida uu HOL u sheegay goobjooge
ku sugnaa goobta uu iskahoirmaadku ka dhacay.
“Dagaalku
wuxuu ku bilowday, khilaaf soo dhexgalay ciidanka madaniga ah ee
degmada Waaberi iyo booliis ah degmada, wuxuuna dagaalku socday muddo
kooban,” ayuu yiri goobjooge dukaan ganacsi ku leh degmada Waaberi.
Xaafadaha
degmooyinka ay dowladu gacan ku hayso ayaa waxaa ka jira ciidamo madani
ah oo ilaaliya amaanka xaafadooda, si ay uga hortagaan in dadka dhac
loo geysto, kuwaasoo la dagaalama cid walba oo ay u arkaan inay dhac ka
geystaan dadka xaafadahaas ku nool.
Iskahorimaadyada
noocan oo kale ah ayaa ka dhaca degmooyinka ay dowladu gacanta ku
hayso, iyadoo aanay dowlada iyo maamulka gobolka banaadir ka hadlin
iska-horimaadkii maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Dowladda
Soomaaliya, ayaa waxay gacanta ku haysaa lix degmo oo ka tirsan
Muqdisho, kuwaasoo ay ka dhacaan dagaalo iyo qaraxyo geysta dhibaatooyin
shacabka gaara, iyadoo dhinaca kale ay Muqdisho ka socdaan dagaallo
goos-goos ah.