Sheekh Muqtaar Roobow oo Beeniyey Khilaaf inuu ka jiro Madaxda Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin


Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah saraakiisha ugu  sareysa Xarakadda Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay beeniyey  jiritaanka warar sheegaaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay isaga iyo Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.


 Masajid ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa maanta sheekh Muqtaar  Roobowb waxaa ka sheegay in haba yaraate aanay jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab taasna ay tahay warar beenabuur ah oo lasoo dhoobdhoobay.

Wuxuu ku eedeyey in wararkaas ay faafiyeen Dawladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho wuxuuna  xusay in uusan AMSOM  u jawaabaynin balse uu u jawaabayo dadka muslimiinta ah.
Ma jirta qilaaf na dhax yaalo aniga iyo walalaheen ciidankeena Alshabaabna qabiil iyo nin tooxsi waa ka gudbeen buu yiri waxay difacayaan buu yiri Alla Kitaabkiisa ,waxaase idiin sheegayaa buu yiri in horey ley dilay oo waa dhintay ley yiri marka hadalkaana taa buu la mid yahay ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

Muqtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa dhanka kale sheegay in dhowaan ay ku dhawaaqi doonaan dagaal culus oo ka duwan kii hore ee ku dhawaaqeen bisha Ramadaan kaas oo u sheegay in lagu soo afjaraayo Dawladda Federaalka iyo AMISOM.

Hadalka Sheekh Muqtaar Roobow ayaa imaanaya xilli maalmihi lasoo dhaafay si aad ah loo hadal hayey khilaaf u dhaxeeya madaxda Al-Shabaab taas oo la sheegay in ay ku waayeen fariisimo cuub oo muhiim ah ay ku lahaayeen degmada Hodan kadib dagaalo halkaas ay ka dhaceen.

Add New Comment