Gudoomiyaha Kismaayo Xasan Yacquub iyo Ciidamo uu wato oo isaga baxay magaalada Kismaayo

Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ay isku heyb yihiin AbuuMansur ayaa isaga baxay magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo Wararka ayaa intaa ku daraya in maalmahan uu jiray kala aragti duwanaansho Shabaabka dhexdiisa, taasina oo loo aaneynayo bixitaankiisa khilaafka madaxda sare ee xarakada Al shabaab .

Gudoomiyaha Kismaayo Xasan Yacquub iyo Ciidamo uu wato oo isaga baxay magaalada Kismaayo waxayna kusii jeedaan gobolada ay kasoo jeedaan ee Bay iyo Bakool halkaasi oo ay joogaan dhammaan sarakiishii iyo ciidamadii  u dhashay Digil iyo Mirifle oo hoggaaminaayo Abuu Mansur Rooboow.

dhanka kale waxaa shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ergeygka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Wafula Wamuyinyi wuxuuna  sheegay in Ciidamada AMISOM ay horumar ka gaareen dagaaladii ka dhacay todobaadkan magaalada Muqdisho, isla markaana ay qabsadeen dhowr goobood oo horay ay u haysteen mucaradka.

Arrintaani waxay ku timid iyadoo magaallada laga saaray ciidan xoog badan oo u dhashay goomiyadda Dgil iyo Mirifle kadib markii hoggaamiyahooda Roobow iyo taliyaha Al shabaab ay isqoomeen taladana ay ku hishiin wayeen

Kooxda Al-Shabaab waxaa soo wajahay kala qeybsanaan xoog leh,kadib markii  khilaaf ka dhex oogamay saraakiishooda  sare, taasoo  laciifisay awoodoodii dagaal ee ku wajahneed Dowladda KMG iyo AMISOM  sidaasi darteed maanta   ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM waxay gacanta ku dhigeen 40% magaalada Moqdishu .

Add New Comment