Ciidamo Al-Shabaab ah oo ka soo Jeeda Gobolada Bay iyo Bakool oo wata Gaadiid dagaal oo ka Baxsaday Magaalada Baladweyne
(War degdeg ah) Wararka naga soo
gaaraya magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay
halkaasi ka baxeen ilaa saddex tiniko ah iyo maleeshiyooyin gaaraya ilaa
100-ruux, kuwaasi oo ka tirsanaa maleeshiyooyinka xarakada Al-Shabaab
ee iyagu ku sugan magaalada B/Weyne ayaa xalay u goostay dhinaca gobolka
Bakool, halkaasi oo ay ka soo jeedaan.
Sida uu sheegayo mid ka mid ah dadka degan gudaha
magaalada B/Weyne ayaa sheegaya in xalay dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka
jireen gudaha magaalada B/Weyne kaddib markii ay halkaasi faarujiyeen
kolonyo ka tirsan maleeshiyada ka yimid dhinaca gobolada Bay iyo Bakool,
waxaana madaxa Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan uu sheegay inay iyagu
adkeyn doonaan ammaanka magaalada B/Weyne.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in maleeshiyada ka soo
jeeda Digil iyo Mirifle ay gaareen degaanno ka tirsan gobolka Bakool
isla xalay habeenimadii xalay goor dambe, kuwaasi oo ku biiray
maleeshiyada degaanka ee ka tirsan xarakada Al-Shabaab, iyadoo
saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaasina ay kulamo la yeesheen madax ka
tirsan Al-Shabaab iyo qeybaha bulshada Bay iyo Bakool.
Goosashada ciidamada Digil iyo Mirifle ee ku sugnaa
magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmeysa xilli
magaaladaasi ay kaabiga ku soo hayaan ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah,
iyadoo maalmihii la soo dhaafay guud ahaan gobolka Hiiraan iyo
degaannada dhinaca xuduuda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka jireen
abaabullo la doonayo in kooxda Al-Shabaab looga siibo gobolka Hiiraan.
Add New Comment
|
|
|