Mudanayaasha Barlamaanka oo codka kalsoonida siiyey Farmaajo

Kulan ay manta isugu yimaadeen mudanayasha Baarlamaanka oo daqiiqado ka hor soo gebagabeeyey ayna ka soo qeyb galeen mudanayaal tiradooda lagu sheegay 391-Xikdhibaan, Isla marklaana uu shir-guddoominjayey guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo furitaankii shirka hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu ka xunyahay khilaafka dhinaca fikirka ah ee soo kala  dhex galay xildhibaanada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in loo codeeyo Ra’isalwasaaraha iyada oo ay si buuxda cod gacan taag ah ku ansixiyeen xildhibaano gaaray 297-mudane halka 92-xildhibaan ay diideen iyadoo 2- xildhibaana ay ka aamuseen, kadibna uu afhayeenka Baarlamanka ku dhawaaqay in laga bilaabo saacadan uu ansax yahay Ra’islwasaare Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo, isagoo ugu duceeyay in Ilaah la garab galo xilka culus ee loo magacaabay, isla markaana uu si dhaqsi ah u soo dhiso golahiisa wasiirada.

Kulanka maanta ayaa la arkayey xildhibaanadii iska soo horjeeday oo isku sacab jiidayo, isla markaana dhoola cadeynaya oo si diiran ugu sacab tumay Ra’isulwaasaare farmaajo, iyadoo halkaasi uu ku soo dhamaaday khilaafkii mudada labada todobaad hareeyay xildhibanada kala fikirka duwanaa.

Haddaba Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu Xukuumaddiisa uu ku soo dhiso muddo bil gudaheed ah, waxaase isweydiin mudan ma noqon doontaa xukuumadda uusoo dhisi doono mudane Farmaajo mid xal u hesha dhibaatada heysata shacabka Soomaaliyeed mase waxay mari doontaa halki ay mareen kuwii ka horreeyay  ?



Add New Comment