Afhayeenada xarraka Al Shabaab Abuu-muscab iyo AMISOM Maj. Barigye Be-huko oo guulo ka kala sheegtay dagaalada Muqdishu


Afhayeenka Al Shabaab Abuu-muscab oo ka hadlay dagaallada ay kula jiraan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM  ayaa waa uu sheegay inay fashiliyeen qorshe ay ciidammadaaasi ku doonayeen inay ku qabsadaan aagagga ay ku sugan yihiin ciidamada mujaahidiinta.

Afhayeenka ciidamada AMISOM waa waxa uu ku warbixiyey inay ka gubeen gaadiid dagaal oo ilaa sedddex gaaraya islamarkaasina ay dib u riixeen ciidamada Al Shabaab goobo cusub oo ka tirsan degmada Hodan ay ka qabsadeen .
Ciidammada AMISOM  shalay dagaal kooban ay la galeen dhinacyada kasoo horjeeda, ayaa waxa u suurogashay inay si fudud kula wareegaan Isbitaalka xoogga oo xarun u aheyd Al Shabaab.
 Maj. Barigye Be-huko mar uu ka jabaabay in Ciidamada AMISOM ay Madaafiic ku duqaayaan goobaha ay shacabka ku sugan yihiin iyo Suuqyada waxa uu Afhayeenka  sheegay in shacabka Muqdisho ay hubeysan yihiin,waxaana  dhici karto ayuu yiri,inay magaalada duqeeyaan hoggaamiyaashii hore ee dagaalka si  sumcadda ciidamada AMISOM loo dhaawaco .

 Wararka naga soo gaaray Isbitaalada magaalada Muqdisho iyo kooxaha gurmadka deg deg ah ee ku howlan daadgureynta dadka ku waxyeeloobay dagaalka iyoo duqaymda  waxay sheegeen  dagaalladii iyo duqeyntii shalay ilaa maanta ka dhacday magaalada Muqdishu inay  ku dhinteen  ilaa 16-qof, halka 45-qof oo kale ay ku dhaawacmeen .

Add New Comment