Ciidamadii Dowladda iyo kuwa ahlusunna waljameeca ayaa saaka isaga baxeen degmada Balad Xaawo



Xoogaga Shabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa maanta si nabadgelyo ah kula wareegtay degmada Beledxaawo kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna waljameeca ee mudooyinkii danbe ku sugnaa degmadaasi.

 
 Afhayeen u hadlay xarakada Al Shabaab ahna gudoomiyaha xarakada Alshabaab ee gobolka Gedo Sheekh Bishaar ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka hareereyeen dhan waliba degmada Beled xaawo, sidaasi markay ka warheleen ciidamada Dowladda in aysan u babac dhigi karin awooda ciidan ee kusoo fool leh  ayay iska carareen gacan ku heynta Degmada Beled xaawo.

Dhanka kale saraakiil taabacsdan dowladda oo saxaafadda la hadleen waxay sheegeen in ay uga baxeen degmada Beled xaawo cabsi ay ka qabaan in shacabka deegaankaasi ay dagaalka ku hoobtaan iyadoo Xarakada Al Shabaab  uu soo gaaray gurmad ciidan oo aad u tira badan badan , waxay kaloo sheegeen in ciidanka Dowladda uu difaac adag ka geleen 5 KM meel u jirto Degmada Beled xaawo oo waxaan ku rajo weynahay in aan dhawaan mar kale dib ula wareegno.


Add New Comment