Maxkamad ku taalla dalka Liibiya oo dhallinyaro Soomaaliyeed ku xukuntay xabsiyo kala duwan



Maxkamad ku taalla dalka Liibiya, ayaa ku xukuntay 13-dhallinyaro Soomaaliyeed xabsiyo kala duwan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen kummannaan Afirkaan ah oo laga tahriibiyay dalkaas.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya C/qani Maxamed Wacays oo ka warbixiyay xukunnada lagu riday dhallinyaradan Soomaaliyeed, ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen dad badan oo ay ku jiraan dad u dhashay dalka Liibiya, kuwaasoo lug ku lahaa tahriibinta dadka.

"Maxkamad ku taalla dalka Liibya, ayaa waxay xukunno kala duwan ku ridday dad badan 21-kii bishaan, kuwaasoo loo haysto inay ka shaqeynayeen tahriibka, 13-ruux oo Soomaali ah ayaana ku jiray," ayuu yiri C/qani Wacays oo intaas ku daray in sidoo lagu xukumay Soomaalida lacago ganaax ah.

Danjire Wacays, wuxuu sheegay in Yuusuf Maxamed Barre Tooshow oo ah mid ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ah ee xukunka lagu riday lagu xukumay shan sano oo xarig ah, iyo ganaax dhan 5,000-Diinaarka Liibiya ah.

Maxaabiista kale ee Soomaalida ah, ayaa lagu xukumay inta u dhexeysa sannad illaa sanad iyo bar, iyadoo sidoo kalena lagu ganaaxay lacag gaaraysa 1,000-Diinaar, isagoo sheegay in qoysaskooda laga doonayo inay lacagtaas ka bixiyaan.

Xukuumadda Liibiya, ayaa dhawaan xabsiyada kasii daysay boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaasoo la xirxiray sannadihii ugu dambeeyay xilli ay doonayeen inay qaab tahriib ah kaga baxaan dalka Liibiya.

Add New Comment