Labo Haween oo lagu soo eedeeyay Basaasnimo ayaa maanta lagu toogtay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan



Xarakada Alshabaab Al Mujaahidiin ayaa waxay ku toogteen  galabta fagaare ku yaal magaalada Beledweyn Labo haween oo ay ku soo eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen Dowladda Itoobiya iyo Ciidamada Dowladda KMGH ee Soomaaliya.


Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Sheekh Yuusuf Cali Ugaas ayaa warbaahinta u sheegay in labadan haween laga soo qabtay deegaanka Ceel-gaal ayagoo u basaasayay ciidanka cadowka xilli dagaalo ay ka soconayeen goobtaasi, waxuuna sii raaciyay hadalkiisa Gudoomiyaha cid kasta oo falkaas oo kale iyadoo ku guda jirta lasoo qabto ay xukunka Alle marsiin doonaan.

Waxa kale oo la soo sheegay  in haweenka la toogtay in muddo ah lagu hayay baaritaan la xiriira arrimaha lagu soo eedeeyay  ee ah jaajusnimada taasoo ay labadaasi dumar ay qirteen in ay fariimo kusaabsan dhaqdhaqaaqa ciidamada Al Shabaab ay u gudbinayeen saraakiisha dowladda KMGH ee Soomaaliyaee ku sugan aaga Feer-feer.

Dhacdadani waa tii ugu horeysay ee maamulka xarrakada  Al-shabaab Al Mujahidiin ay ka fuliyaan goballka Hiiraan inkastoo ay jirtay falal la xiriira dil dad lagu soo eedeeyay jaajuusnimo ay ka fuliyeen Al Shabaab gobolada kale ay gacanta ku hayaan  dhowr jeer oo hore waxaana weli qoyan
Bishan horaanteeda  markii fagaare ku yaal duleedka magaalada Muqdisho ay Al Shabaab ku toogteen Labo nin ay sheegeen inay ahaayeen jaajuusiin Itoobiyaan ah, kuwaasoo laga soo qabtay goobo ka tirsan gobolka Shabellada Hoose.

Add New Comment