Kulankii Baarlamaanka ayaa maanta mar kale dib u dhacay.


Kulankii maanta oo arbaco ah oo lagu waday in Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ayaa ku yimid dib u dhac kadib markii si lama filaan ah uu dalka booqasho ugu yimid ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabinlan Soomaaliya Augustine Mahiga si uu xal ugu helo khilaafka labada Mas'uul

War saxaafadeed uu gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu xafiiskiisa ka soo saaray maalinimadii axada aheyd ayaa waxaa lagu iclaamiyay kulanka Baarlamaanka in la qaban doono maalinta arbacada 27 oktobar .

Shir ay wada yeesheen shalay Madaxweynaha sheekh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa la shaaciyey uu ku dhamaaday is afgarad, isla markaana Gudoomiyaha Baarlamaanka uu aqbalay in go'aankiisa uu ka laabto codeyntana ansixinta R/wasaaraha cusubna ay noqoto mid gacan taag ah.

 Warar nasoo gaaray goordhaw  ayaa sheegaya in maanta kulan loo baajiyay si loo qaabilo madax sare oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho wafdigaasi uu hoggaaminaayo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabinlan Soomaaliya Augustine Mahiga kaasoo kulamo  la qaadan doonaan Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya .

Wafdigan ayaa la sheegayaa inay dalka u inayaan si ay xal ugu helaan xaaladda qir iyo qirta ee ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo labaduba isu haysta habka loogu codeyn lahaa  kalsooni siinta Ra'iisul Wasaaraha cusub .

Add New Comment