Augustine Mahiga ayaa kulan albaabada u xirn la galay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Goddomiyaha Baarlamaanka




Agaasimaha Warfaafinta Madaxweynaha C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobe Augustine Mahiga uu ku soo dhamaaday mid is afgarad ah, markii labada dhinac ee Shariif Axmed iyo Shariif Xasan uu xaliyay khilaafkii ka dhaxeeyay kana  codsaday masuuliyiinta inay ansixiyaan  Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo.


 Masuuliyiinta kalankaasi waxay kale oo ay kawada hadleen sida loo soo dhammaystiri lahaa ciidamadii 20 kun ahaa ee dhawaan ay codsadeen midowga Afrika in loo soo diro Soomaaliya, kadibna waxa uu sheegay Augustine Mahiga in arintaasi dadaalkeedu ay meel wanaagsan marayso waxaana xukuumada uu soo dhisi doono Ra’iisul wasaaraha cusub laga sugayaa inay sii dardargeliyaan dalabkaasi .

kulankii maanta ay wada qaateen ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Augustine Mahiga  , Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan , waxaa lagu rajo weynyhay inay wax ka badali doono murunkii ku aadanaa ansixinta Ra’iisul wasaaraha ee maalmihii la soo dhaafay ka dhexjiray Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Barlamanka taasina waxay cadaan doontaa maalmha soo socda sida laga yeelo codka kalsoonida sida loogu qaado Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo taasoo kulankii lagu  ansixin lahaa uu baaaqday markii seddexaad.

Add New Comment