Duqa magaalada Nairobi Geoffrey Majiwa ayaa lagu soo xiray lacag uu ka dhunsaday Dowladda Kenya.



Waxaa  maanta Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa ee loo yaqaan (KACC)xabsiga ay dhigeen Duqa magaalada Nairobi Mayor Geoffrey Majiwa  kadib markii lagu soo eedeeyey inuu dhul ku iibiyey lacag  toban jibaar ka badan qiimahiisa, dhulkaa loo rabay in laga dhigo Qubuuro laysku duugo


 Duqa magaalada Nairobi Geoffrey Majiwa  ayaa la sheegay in dhul loo rabay in la dhigo Qubuuro uu ku iibiyey lacag gaaraysa 3,5 miliyan US doolar  halka uu dhulkaasi run ahaan qiimahiisu ahaa  298,000 US Doolar, taasoo lagu qiyaasay inuu Mudanuhu uu toban jeer laban laabay qiimahii caadi ahaa ee dhulkaasi.
 Mayor Geoffrey Majiwa, markii lagu soo eedeeyey arrintani waxaa Booliska magaalada Nairobi kasoo qabteen gurigiisa  waxayna kusoo xireen Saldhiga booliiska ee magaalada Nairobi dalka Kenya .
 
 Afhayeenka u hadla guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa Nicholas Simani waxa uu warbaahinta u sheegay
  in Duqa magaalada Nairobi Geoffrey Majiwa la soo taagi doono maxkmada maalinta beri ayadoo lagu soo oogi doono labo dacwadood oo la xiriira masuq-maasuq iyo isdaba maryeen iyo laaluush.

Waxaa sidoo kale dacwadaan loo haystaa  14 qofood oo kale ee uu ka mid yahay xoghayihii guud ee dowladda hoose ee magaalada Nairobi,Dhammaan dadkaani waxaa loo haystaa in ay lunsadeen hanti qaran ayagoo adeegsanaya darajada iyo awoodda Dowladdu ay ugu dhiibtay inay ugu adeegaan shacabka reer Kenya.


Waxaa isweydiin mudan goormaa shacabka Soomaaliyeed markooda la xisaabtami doonaan  madaxada sida joogtada ah oo aan indha qarsiga laheyn u dhacaysa hantida  yar ee shacabka Soomaaliyeed  loogu soo  dhiibo, kuwaasoo sida ay doonaan  ugu takri fala oo xitaa 10%  aan soo gaarsiinin shacabkooda  musiibadda labaan jirsatay ay duljoogto jaho looga baxi karana  waqtiga dhaw aysan muuqan.

Add New Comment