Soomaalida ka ganacsata dalka koonfurta Afrika oo dil iyo dhac loogu geysto Dukaamadooda


Kooxo hubeysan oo  Afrikaan ah, ayaa xalay tuulo ku dhow magaalada Cape-town ee dalka koonfurta Afrika ku dilay laba ganacsade Soomaali ah oo la kala yiraah Xuseen Maxamuud Carraale iyo Mahad Maxamuud, iyadoo saddexd kalana ay halkasi uu  dhaawac kasoo gaaray.

Nuur C/rashiid oo ah ganacsade ku sugan tuuladda uu dilku ka dhacay waxa uu sheegay Weerarka in ay soo qaadeen kooxo hubeysan kuwaasoo doonayeen inay  dhacaan hantidii taalay dukaamada la weeraray,  markii la dilay laba ganacsade oo Soomaali ah oo kala ahaa Xuseen Maxamuud Carraale iyo Mahad Maxamud Xantiire ,waxaa ay dileen nin Itoobiyaan ah, sidoo kale waxaana ay dhaawaceen saddex qof oo  Soomaali ahaa kuwaasoo kal ahaa Aweys Axmed Ciise, Maxamuud Axmed Cabdulle iyo Shire Calasow Cabdulle , kooxihii dilka geystayna way baxsadeen ayagoo aan waxba ka qaadin hantida tiilay Dukankaasi.



Booliiska deegaanka uu dilkan ka dhacay markii uu soo gaaray goobta waxay  sameeyeen baaritaanno aan sidaasi u sii weyneyn ayagoo caadeystay in aanay sii dabagelin Tuugada joogtaysatay inay dhac iyo dilba u gaystaan Soomaalida ka ganacsatada  inta badan Tuulooyinka,  weerarkan waxa uu qayb ka noqonayaa dagaal iyo dil  lagu hayo ganacsatada ajnabiga ah ee ku nool dalka Koonfurta Afrika.


 Tirakoob la sammeeyay  Ilaa hadda tirada dilka wuxuu maryaa 28 qof sedexd bilood gudahood dhaawaca iyo dhacana  waa tirakoob beeleen,Soomaalida ganacsata dalka koofurta Afrika waa badan yihiin sidaasi darteed lama wada ogaan karo qasaaraha dhabta ah oo ay geystaan kooxaha hubaysan ee sida joogta ah dhaca iyo dilka u gaysto dhibka  ganacsatada ajaanibka oo ay Soomaalidu ay ka mid tahay.
 

Sheekh Cali Hadaafoow oo ka mid ah Culimada Somaliyeed ee ku sugan dalka koonfurta Afrika oo la hadlay dadka ka soo qeyb galay aaska marxuumka Mahad Maxamud Xantiire  ayaa sheegay in dhibaatada joogtada ah lagu hayo Ganacsatada  Somalida sida kaliya oo looga bixi karo ayuu yiri sheekha in  gacmaha lays qabsado oo la yeesho maamul la xisaabtami kara dowladda ka talisa dalka Koonfurta Afrika  maadama  Somalida noqtay kuwa sida joogtada ah loo ugaarsado hantidooduna loo dhaco.

Add New Comment