Xarrakatul Shabaabul oo soo bandhigtay Meyd askar ka tirsanaa ciidammada AMISOM

afhayeenka Al Shabaab.jpgAfhayeenku, wuxuu sheegay inay howlgaleen ciidammada kumaandooska ahaa ee loogu magac daray Sheekh Mustafa Abu-Yaziid ee Xarrakatul Shabaab Al Mujaahidiinta Goblka Banaadir ka tirsan, kuwaasoo  weerar barakeysan xalay ku qaaday Saldhigyada AMISOM ee Degmada Hodann halkaasi aa ay ugu suurtagashay inay xagga dhabarka kaga yimaadeen ciidamadii Dowladda iyo kuwa AMISOM ee Saldhigaasi difaaca ugu jirtay waxayna ka dileen askar badan uu ka mid yahay Askarigan Ugaandheyska ah oo ku hubaysan qorigiisa iyo dareeska ay caanka ku yihiin AMISOM waxa kale oo saxaafada uu tusay Kaarar aqoonsi ah oo uu sheegay Afhayeenku in askartii lahayd lagu dilay dagaalka  xalay,ma ahan markii ugu horeysan ee Al shabaab oo ay soo bandhigaan Meyd ay ku sheegeen inuu ka mid yahay Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho waxaana arintaan ay ku soo beegmeysaa xili dagaalo culus ay ka socdaan magaalada Muqdisho iyo khilaal adag oo soo kala dhexgalay Madaxweynaha Dowladda KMG ah Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka .

meyd amisom 2.jpgkaar amisom.jpg


Dhanka Ciidamada AMISOM, ayaan weli ka hadlin  meydka  iyo Dikumeentiga ay soo bandhigeen xarakada Al Shabaab Al Mujaahidiin inay yihiin askar ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho ee loo yaqaan AMISOM,dhanka shacabka  waxaa dagalkaasi ku dhintay 6 ruux oo rayid ah iyo dhaawac aan ka yareen 20 ruux.

Add New Comment