War saxaafadeed xambaarsan eed ku wajahan guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan

 Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya , kuna saabsan ansixinta Ra'iisul wasaaraha cusub Maxamed Cabdullaahi  (Farmaajo) , ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka  Shariif  Xasan Sheekh Aadan inuu si  ula kac ah ugu  xadgudubay dastuurka dalka Soomaaliya.

            sharif & farmaajo.jpg
 
Warmurtiyeedka ayaa u qornaa sidan:

Sida ku cad axdi-qarameedka Soomaaliya, madaxweynaha ayaa leh awoodda magacaabidda ra’iisul wasaaraha (eeg qodobka 44-aad ee axdiga DKMG), baarlamaankuna wuxuu ansixiyaa magacaabidda uu sameeyo Madaxweynaha.

Maadaama uu baarlamaanku leeyahay awoodda ansixinta magacaabista uu sameeyo madaxweynuhu, wuxuu kaloo awood u leeyahay inuu diido, sababtoo ah haddii ay jirto awoodda ansixinta, waa inay jirtaa awoodda diidmada.

Tan iyo markii la billaabay in madaxweyne Soomaaliyeed uu magacaabo ra’iisul wasaare, sanadku markuu ahaa 1960-kii, lama hayo raad muujinaya baarlamaan diiday raíisul wasaare Madaxweynuhu soo magacaabay. Haddaba, waxay noqoneysaa arrin ugub ah oo aan hore u dhicin in golaha baarlamaanku is-hortaago raíisul wasaare Madaxweynuhu magacaabay.

Qodobka 49-aad ee axdi-qarameedka wuxuu dhigayaa: "Ra’iisul wasaarihii uu magacaabistiisa ansixiyo golaha baarlamaanka, wuxuu shaqada billaabayaa marka uu dhaarto." Sidaas darteed, shaqo billaabidda raíisul wasaaruhu waxay ku xiran tahay ansixinta baarlamaanka.

14-kii October ee sanadka 2010, ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuu ra’iisul wasaare u magacaabay mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), wuxuuna 20-kii October hor-geeyey golaha baarlamaanka. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu golaha ka jeediyey khudbad uu ku sharraxayo barnaamijkiisa iyo qorshayaashiisa siyaasadeed.

Somalia Prime Minister, Mohamed Abdulahi Mohamed, right, addresses the parliament, Wednesday, Oct. 20, 2010, during the first session since his nomination as the first minister last week. The prime minister asked the lawmakers to endorse him after he was called on to seek the parliament's vote of confidence which makes it possible for him to legally run the office.

Isla markii uu khudbaddiisa dhammeeyey ayuu afhayeenka baarlamaanku wuxuu shaaca ka qaaday inuu hayo laba mooshin oo iska soo hor jeeda. Mooshin ay 140-xildhibaan ku codsanayaan in raíisul wasaaraha loogu codeeyo hannaan bareer ama gacan taag ah. Iyo mooshin ay 40-xildhibaan ku codsanayaan in hannaan qarsoodi ah loogu codeeyo raíisul wasaaraha.

Axdiga DKMG ah kuma cadda hannaanka ay tahay in Golaha Baarlamaanku ugu codeeyo raíisul wasaare lasoo magacaabay.

Qodobka 71-aad, faqradda 2-aad ee Axdiga ayaa qoraya in: "Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960-kii iyo sharciyadii kale ee dalka loo isticmaali karo arrimaha aan lagu xusin axdigan haddii aysan ka hor imaaneyn axdiga."

Haddaba, maadaama aysan axdi-qarameedka ku caddeyn hannaankii uu golaha baarlamaanku ugu codeyn lahaa ra'iisul wasaaraha cusub, waa in dastuurkii 1960-kii loo noqdaa, lana cuskadaa. Qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, ayaa wuxuu dhigayaa in: " Golaha baarlamaanku uu codka kalsoonida siiyo, ama ugu diido, raíisul wasaaraha iyo wasiirradiisa, hannaan mooshin qeexan ah oo lagu meel-marinayo cod-bixin hal-dheeri ah tirada xubnaha fadhiya madasha taas oo noqonaysa cod bixin bareer ah (gacan taag) (by a simple majority in open vote)."

Haddaba, sida ku cad qodobkan, codka baarlamaanka ee kalsooni siinta ra'iisul wasaaraha ama ansixintiisu, waa inay u dhacdaa hannaan bareer ama gacan taag ah. Sidaas darteed, mooshinka ay soo gudbiyeen 140-ka xildhibaan, ayna ku dalbanayaan in ra'iisul wasaaraha loogu codeeyo hannaan gacan taag ah, waa inuu hirgalo, mooshinka kalena waa inaan la meel-marin, maadaama si toos ah uga horímaanayo qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee dastuurkii 1960-kii.

Waxaase la yaaab leh, oo aan la fileyn, in afhayeenka baarlamaanka, isagoo aan ka fiirsan, uu soo saaray go'aan uu ku doodayo, in qodobka 40-aad ee xeer-hoosaadka baarlamaanka uu dhigayo: in haddii laba mooshin uu midkood dalbanayo cod gacan taag ah, midna uu dalbanayo cod qarsoodi ah, in midka qarsoodiga dalbanaya uu dhaqan galo.

Qodobkan 40-aad ee xeer-hoosaadka baarlamaanka wuxuu ku saabsan yahay marka loo codaynayo hindise sharci ee kuma saabsana kalsooni u qaadid Ra'iisul Wasaare cusub iyo xukuumadiis toona.

Sidoo kale, wuxuu ka hor-imaanayaa qodobka 82-aad, faqraddiisa labaad ee dastuurkii 1960-kii, kaasoo isna si aan mugdi ku jirin u qeexaya in codka kalsooni siinta ra'iisul wasaaraha ama dowladdiisa loo qaado hannaan cod bareer ah (gacan taag).

Waliba, qodobka 40-aad ee xeer-hoosaadka baarlamaanka, iyo go'aankii uu qaatay afhayeenka baarlamaanka, waxay ka hor-imaanayaan qodobka 30-aad, faqraddiisa lixaad ee isla Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka, kaas oo caddeynaya in mooshinkii ka hor-imaanaya Shareecada Islaamka, axdi-qarameedka, dastuurka …, inuu noqnaya wax kama jiraan. waxaa sidaas oo kale qaba qodobka 98-aad ee dastuurkii 1960-kii.

Sidoo kale, sida ku cad qodobka 30-aad xeer-hoosaadka, afhayeenku waa inuu hubiyaa in mooshinka la keenay uu axdiga iyo dastuurka waafaqsan yahay, kaddibna waa inuu oggolaadaa in dood la galiyo, taasna ma uusan samayn.

Haddaba, go'aankii afhayeenka baarlamaanka, waa mid aan sharci ku dhisnayn oo aan la qaadan karin, maxaa yeelay:

Go’aanka afhayeenku wuxuu fulin waayay qodobka 82-aad, faqraddiisa labaad ee dastuurkii 1960-kii, kaasoo ay tahay in loo noqdo marka ay soo baxaan arrimo aan ku caddeyn axdi-qarameedka.

Wuxuu ka baaqsaday inuu u hoggaansamo, isla markaana dhaqan-galiyo qodobka 30-aad, faqradda 6-aad ee xeer-hoosaadka, kaasoo si cad u qeexaya in mooshinkii ka hor-imaanaya shareecada Islaamka, dastuurka 1960-kii iyo shuruucda kale ee dalka, inuu noqonayo mid aan waxba ka jirin. Mooshinka dalbanaya codka qarsoodiga ah wuxuu ka hor-imaanayaa qodobka 82-aad, faqraddiisa labaad ee dastuurkii 1960-kii, wuxuuna ku saabsan yahay oo kaliya marka hindise sharci la samaynayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanku, wuxuu ka baaqsaday inuu mudanayaasha siiyo fursad ay uga doodaan labada mooshin, kaddibna ay fikraddooda cabbiraan, ama ay labada mooshin midka ay raacsan yihiin doortaan.

Afhayeenku, wuxuu kaloo si ula kac ah isaga indha-tiray dhaqanka soo jireenka ahaa ee siyaasadda Soomaaliya, kaasoo ahaa in ra'iisul wasaaraha aan la is-hortaagin isagoo aan shaqada billaabin.

Wuxuu cabbiri waayay inuu qiimeeyo marxaladda adag ee uu dalku marayo taasoo aan qaadi karin khilaaf iyo is-qab-qabsi siyaasadeed.

Haddaba, madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu ugu baaqayaa afhayeenka baarlamaanka inuu sharciga ilaaliyo, isla markaana uusan iska hortaagin xildhibaannada qaranka gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee uu dalku ku jiro dagaalka, loona baahan yahay xukuumad u istaagta wax ka qabashada howlaha adag ee horyaalla.

 Madaxtooyada Soomaaliya
 

Add New Comment