Madaxweyne Sheekh Shariif Ayaa Maanta Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Yemen u Fadhiya Soomalia Danjire Axmed Cumar Xamiidi(Daawo Sawirada)



Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta salaaddii Jimcaha kaddib xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Yemen u Fadhiya Soomaliya Danjire Axmed Cumar Xamiidi.

Safiir Xamiidi waxa uu Madaxweynaha gaarsiiyey dhambaal salaan ah oo uu uga wadey Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax isaga oo u sheegay in dowladda Yemen ay si buuxda u taageersan tahay dadaaladda uu Madaxweynuhu ugu jiro in Soomaaliya loogu soo celiyo Qaranimo buuxdo.

Dhankiisa Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uu Safiirka uga mahad naqay taageerada buuxda ee dowladda iyo Madaxweynaha Yemen ay Soomaaliya u hayaan, waxa uuna u rajeeyey dadka, dowladda iyo Madaxweynaha Yemen guul iyo horumar.

Add New Comment