Al ShabaabAl Mujaahidiin oo Muqdisho kusoo bandhigtay dhoolatus boqolaal ciidammo oo tababarro loosoo xiray

Dadweynaha reer Muqdishu qaarkood oo daawasho u tagey dhoollatus ay sameynayeen boqolaal ciidan oo kumaandoos Al Shabaab ah oo ku labisnaa dharka  milateriga kuwaasoo gaadda ka ciyaar ku sammeeyey  waddooyinka magalada Muqdisho qaarkood.

 guutada abuu yazeed (3).jpgCiidamadaasi waxay ku hubeysnayeen hubka noocyadiisa kala duwan midka culus iyo mid fududba waxayna sdalaan ka qaateen saraakiisha Al Shabaab oo ka mid ahaa  Shiikh muqtaar roobow ( Amuu Mansuur )iyo Sheekh Cali dheere,ciidamadaasina waxaa loo diyariyay inay dagaal la galaan cadowga dalkeenna kusoo duulay oo ay dhabar jaraan .
Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali dheere oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay  in ciidankan loogu magac daray Sheekh Mustafa Abuu-Yaziid,waxayna kayd u yihiin walaayada gobolka Banaadir inay cadowga Ilaalahay dhabarka jabiyaan, waxaana ka rajeynaynaa ciidankani inuu dhibka ka dulqaado walaalahooda reer Muqdisho oo ay ka xurreeyaan cadawga kusoo duulay.
 
 Sidoo kale waxaa ciidamadaasi la hadlay Sheekh Mukhtaar Roobow, isagoo kula dardaarmay inaysan baqa carradin marka jihaadka la wado oo aad goobta dagaalka aad ku sugnaataan ilaa aad ka guulaysataan ama aad ka shahiidaan  sida  Allaha u naxariistee Sheekh Mustafa Abuu-Yaziid .
 
Ugu danbeyntii  Afhayenka Xarakada Al Shabaab  Al Mujaahidiin waxa uu kula dardarmay ciidankaasi  in la difaaco Diinta Islamka wixii hada ka danbeyana ay si buuxda ula diriraan kuwa gaalada ah ee ku soo duuley dalkeena iyo Dadkeena Muslimiinta ah taasna ay tahey waxa loo siiyay tababarka waa inay xili kasta u soo jeedaan difaaca Kitabka ALLah sidii uu Kor u noqon lahaa oo laysku xukumi lahaa.

guutada abuu yazeed (1).jpg

Add New Comment