Waxaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday kulankii lagu ansixin lahaa maanta Ra’iisul wasaraaha cusub ee Soomaaliya


Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo dhammaaday buuq iyo sawaxan kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay isku khilaafeen inuu noqdo mid gacan taag ah ama  mid cod qarsoodi ah qaabka codka  kalsooni siinta  R/wasaaraha cusub loo qaadi lahaa

Kulanka Baarlamaanka oo uu shir gudoominayay Shariif Xasan Sheekh Aadan  waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha  Shiikh Shariif iyo R/wasaaraha iyo xildhibaano gaarayey ilaa 380-mudane,  kulanka waxaa qudbad dheere kasoo jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya , Ra'iisul wasaaraha cusub Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu   balanqaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo wax ka qabata xaalada ammaandarida ka jirta dalka, waxuuna ka dalbaday Baarlamaanka inay siiyaan codka kalsoonida.

Xildhibaanada doonayay in codka kalsoonida ay noqoto mid gacan taag ah ayaa tiradooda lagu sheegay  145 xildhibaan ,sidoo kale waxaa jiray Xildhibaano doonayay codka qarsoodiga in lagu ansixiyo R/wasaaraha waxaana ka mid ahaa xildhibaan C/raxmaan Cabdishakuur kaasoo isku dayay inuu xildhibaanada ku qanciyo mooshinka codka qarsoodiga ah waxayna kaga horyimaadeen  buuq iyo sawaxan , kadib gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa soo xiray kulankii baarlamaanka,Xildhibaanadiina waa uu kala diryay ,
isla markaana waxa uu ku baaqay in dib la isugu soo laabto Maalinta Sabtida ah.

War iyo dhammaantiis  kulankii maanta ay  barlamaanka  rabeen inay ku ansixiyaan Ra'iisul Wasaaraha cusub  Maxamed C/llaahi Farmaajo waa ay ku guuldareysteen  taasoo ku ah caqabadii ugu horeeysay ee Ra'iisul wasaaraha cusub soo wajahday.


Add New Comment