Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo ku laabtay Muqdisho iyo Xoogaga Mucaaradka oo hoobiyeyaal ku garaacay Madaxtooyada.



 Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho,waxuuna ka warbixiyay safarkii uu kusoo maray  dalalka Mareykanka, Spain, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya.waxa kale uu sheegay inta  uusan magacaabin R/wasaaraha inuu kala tashan doono xidhibaannada baarlamaanka.
 waxuuna Illaahay ka rajeeyay in doorashada R/wassaraha cusub iyo Xukuumadiisaba mid waxtar ula timaada shacab soomaaliyeed oo si habsami ku dheehan u gudata waajibka ka saaran nabad kusoo celinta dalka Soomaaliyeed.
 
 
Sida caadada u noqotay xooggagga mucaaradka mar kasta uu madaxweynaha dalka ka dhoofaayo iyo marka uu kusoo noqonaayaba inay madaafiic ku duqeeyaan aqalka madaxtooyada Villa soomaaliya iyo saldhigyada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Duqeymo aad u xoogan ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya , Duqeemahaasi waxaa lala beegsaday kusoo noqoshada dalka madaxweynaha Sheekh Shariif, Madfac ayaa waxa uu ku dulhabsatay gaari ka mid ah gariyadda loo yaqaan PL ka dadkii saarnaa gaarigaasina qaad dhintay iyo kuwa dhaawacmayba waa lahaayeen., sidoo kale waxaa madaafiic lagu garaacay Suuqa Bakaaraha oo ay dad shacab ah ay kasoo gaartay dhimasho iyo dhaawacba.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa  shaaca ka qaaday inay bilaabeen qorshayaal ay saldhigyo milateri uga sameysanayaan goobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Isgoyska Dabka, Dekedii hore  iyo Guriga Ummadda, halkaas oo ay ka difaacayaan  Ciidamada Xoogaga Mucaaradka oo si weyn u damacsanaa inay ka qabsadaan  wadada Maka Al-Mukarama si ay u kala jaraan isku socodka aqalka madaxtooyada villa Soomaaliya iyo garoonka dayaardaha ee Aadan Cadde .

Add New Comment