Dowladda KMG ah iyo Shacabka Soomaaliyeed oo si wada jir ah u cambaareeyay joojinta adeega ZAAD SERVICE.


Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ayaa  mamnuucay adeegyada Zaad Sevice kadib markii ay ku eedaysay  adeegani inuu hoos u dhigay isticmaalkii lacagta Shilin Somaaliga,  fa'iidana u yeeshay shirkado reer galbeed ah oo qalqal gelinaya dhaqaalaha muslimiinta.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada lacagta dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyay talaabadii Xarakada  AL Shabaab ay ku joojisay Adeegga ZAAD SERVICE.

 Adeega fudud ee ZAAD SERVICE waxaa  isticmaalaan shirkadaha Hormuud, Golis iyo Telexom oo ka howlgala dalka Soomaaliya sida koofurta Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland, adeegani ilaa hadda waxaa isdiiwaangeliyay oo si joogta ah u isticmaala malaayiin qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ku kala nool gobollada dalka, adeegani ZAAD waxa uu  u sahlay dadka isticmaala inay kaga adeegtaan suuqyada lacagta ku jirta taleefoonnadooda gacanta  ,haddii lacag loosoo diro waxay  ku keydsadaan isla  teleefoonkooda gacanta, lacagtaasina si fudud ayay isugu diri karaan meel kasta oo ay kala joogaan joogaan iyagoo aan u baahan xawaalad.

Ugu dambaystii warka kasoo baxay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxa uu ku tilmaamay kooxaha mucaaradka  inay kasoo horjeedaan horu-umarka Tiknoolajiga, curinta iyo hal-abuurka abwaanka soomaaliyeed , ganacsiga iyo horumarka dhaqaalaha dalka, ganacsatadana waxay u soo kordhiyeen  Cabsi,Baad iyo burbur hanti, waxayna ka dalabtay Gannacsatada inay Dowladda ku gacan siiso sidi loo ciribtiri laha Kooxaha  marwaliba is hortaagaaya danta guud ee Dalka, shacabkana barakac iyo baahida baday.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxay Gannacsatada u balan qaaday inay dowladdu ilaalin doonto ganacsigooda una dhisi doonto kaabayaasha dhaqaalaha, waxay kaloo u balan qaaday inay abuureyso fursado ganacsi iyadoo bixineysa qandaraasyo waaweyn oo dalka iyo dibaddaba wax looga soo dhoofin karo iyo inay bixinayso  maalgashi iyo ganacsi xor ah oo Bankiyadu ay ka mid yihiin.


Add New Comment