Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ku dagaalamaya Suuqa bakaaraha


Iska hor imaad hubaysan oo u dhaxeeya Xoogaga Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa ka soconaya gudaha Suuqa bakaaraha markii Ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam ay weerareen Maxkamada Al Shabaab ku lahayd Suuqa Daawada iyagoo ka careysayn fal maalmo ka hor looga kala eryay Ciidamadooda goob ay lacago uga qaadayeen Gaadiidka dadweynaha.
 
 Wararaka ka imaanaya dagaalkaasi ayaa sheegaya Saraakiil ka kala tirsan Al Shabaab iyo Xisbul Islaam  inay soo kala dhex galeen Ciidamada ku dagaalamayay suuqa bakaaraha.
 
 Inkastoo muddo saacado ah ay qal qal galeen ganacsigii ka socday Suuqa Bakaaraha,soo kala dhexgalka saraakiisha labada dhinac ayaa  xaalada suuqa way kusoo noqotay lid dagan, mana jiraan wax rasaas ah oo la maqlayo, hase ahaatee waxaan weli la xalin xiisadaha labada dhinac u dhaxeeyay taasoo keeni karta inay is ugaarsadaan.

  Qasaaraha  dhimasho inta la hubo waa afar ruux oo ka mid ahaa dhinacyadii dagaalamay, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kale waxaa dhaawac kasoo gaaray dagaaladaasi dad rayid ah oo suuqa ka ganacsanayay.
 

Add New Comment