Ciidamo taabacsan Dowlada oo qabsaday degmada Balad-xaawo


ciidammo taabacsaan dowladda Soomaaliya oo hogaaminaayeen Saraakiil Xildhibaanno ka ah Barlamaanka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta dagaal soconayay muddo gaaban kagala wareegay Xarrakada Al Shabaab Al Mujaahidiin gacanta ku haynta Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Xildhibaan Maxamed Siid Aadan iyo Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Gudoomiyha Gobolka Gedo ayaa waxay saxafada  u shegeen in ciidamadooda ay ka tiliyaan  dafaha iyo gudaha Balad Xaawo waxayna  shegeen dagaalku inay sii wadi doonaan qorshahooduna uu yahay in ay xarakada Al shabaab  ka wada xureeyaan Goblka oo dhan .
 Dagaalka maanta Xatrakada Al Shabaab looga qabsaday degmada Buulo xaawo waxaa isu kaashaday Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna Waljamaacah  .
 
 Dagaalka ka dhacay Beledxaawo ayaa waxaa ku dhintay ilaa lix ruux oo ka mid ah dhinacyada dagaalamayay, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen,wallow aysan jirin cid si rasmiya uga warbixi karto qasaaraha dagaalkaasi ka dhashay;  xaalada degmada Beledxaawo sida la  sheegay waa  mid haatan degan balse cabsi weyn laga qabo in rogaalcelin ay soo sammeeyaan ciidamada Xarakada Al Shabaab.  Ciidamadii Dowladda iyo kuwa Ahlusuna Waljamaacah waxay usii dhaqaaqeen  dhinaca degmada Luuq iyagoo ku sii raad jooga ciidamada Al Shabaab .

Add New Comment