TACSI - Geerida marxuum Meyre Maxamuud Nuur

inaalilaahi[1][1].jpg

Waxaa maanta gelinkii hore degaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelada Hoose ku geeriyooday Ilaah ha u naxariistee marxuum Meyre Maxamud Nuur oo ay da'disu ahayd 90 jir isla maantana lagu aasay isla degaankaas.

Marxuumku wuxuu ifka kaga tagay 4 carruur ah oo isugu jira wuxuu dhalay iyo wax ay sii dhaleen, waxaana geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

Dhammaan xubnaha SilGor waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka, gaar ahaan Faaduma Meyre iyo carruurteeda iyo walaaheen reer Mooge, waxayna marxuumka Allaah uga baryayaan inuu ka waraabiyo jannadii ferdowsa, ehelada iyo qaraabadana uu sabar iyo iimaan ka siiyo.

Add New Comment