Al Shabaab oo qabsatay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud



 Dagaal si kedis ah ay usoo qaateen ciidamada Al Shabab Al mujaahidiin  ayaa waxa ugu suurtagashay inay ka saaraan ciidamadii Ahlusunna wal jamaaca oo joogay deegaanka Mareerguur  kadibna waxay gacanta ku dhigaan dhammaaan magaalada duusamareeb.
 
Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay qabsashada magaalada Duusamareeb inay kaga jawaabeen ugu aar-gudeen  walaalaha reer Cadaado ee la dulmiyay ayagoo nabada ku jira dulmi ay kusoo  weerareen Ciidamo uu wato Cabdi Shugri ee Ahlusuna waxyeelana loo geystay.

Dhacdadaasi kadib ciidamada  Ahlusuna oo wata gaadiidkoodii dagaalka waxay soo aadeen dhanka magaalada Duusamareeb taasoo  dhici karta saacadaha soo socda  inay isku farasaaraan  ciidamadaasi  oo dagaalo xoog badan uuu ku dhex maro degmada Dhuusamareeb iyo hareeraheeda .
Wax kasto ay ahaataba waxa la kala garan la'yahay magaalada duusamarreeb  cidda gacanta ku  hayso .

Add New Comment