Odayaasha Hawiye oo talo kusoo jeediyey in Suuqa bakaaraha Madfaca looga guuro.

Caaqil Axmed Diiriye Cali oo ah afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay ganacsatada Suuqa Bakaara iyo suuq bacad inay isaga guuraan si loo badbaadiyo Nafta iyo Maalka shacabka Soomaaliyeed oo duqeymo arxan la'aan ah loogu geysto suuqyadaasi. Afhayeenka waxa uu saxaafadda Muqdisho ka caddeeyay: haddiiba madaafiicda intooda badan ay ku dhacayaan suuqyada Bakaaraha iyo suuq Bacaad oo ay dad badan waxyeello malin waliba kasoo gaarayso, waxaan ku talin lahaa in suuqyadaasi layskaga guuro oo meel kale oo nabad ka jirta laga yeesho suuqyo cusub oo Hantida iyo dhiigga shacabka loo naxo. Caaqil Axmed Diire marar badan ayaa ugu baaqay dhinacyada uu dagaalamaya magaalada Muqdsihu inay xabadda joojiyaan, oo ay hadal ku dhameeystaan khilaafaadyadooda shacabkana loo naxo waayo dhibaatada ugu badan ee dagaallada iyo duqeynta ka dhasha awaxa ku dhacaan shacabka. waxa uu mar waliba diidanaa shacabka dhexdiisa in laga soo tuuro madaafiicda,haddii taasi dhacdana waxa uu yiri waxaa imaanaysa in laga jawaabo, dad badanna ay ku dhintaan. Xoogagga Islaamiyiinta , kuwa dowladda iyo AMISOM dhammantood waxay beeniyeen inay shacabka dhexdoodiisa kasoo tuuraan madaafiicda, hadaba waa su'aalee yaasoo tuuro madaafiicda joogtada ugu dhacaysa Suuqa Bakaaraha ?

Add New Comment