Maamulka Al shabaab oo xayiraad ku soo rogay garoonka N0. 50


Xarakada Al Shabaab ayaa la wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha ee Nambar Konton ,garoonkaasi waxaa horay gacanta ugu haayay  ganacsato aan ka ka tirsaneyn Al Shabaab Al Mujaahidiin.Wararka ka soo baxaya garoonka  ayaa sheegaya in Al shabaab xayiraad ku soo rogeen diyaaradaha qaadka ee isticmaali jiray garoonkaasi.

Dhamaan shaqaalihii rayidka ahaa ee garoonka No.50 iyo ilaalada ayaa ka baxsaday garoonka kadib markii xarakada Al Shabaab ay xireen laba ka mid ah howlwadeenadii garoonka, islamarkaana ay halkaasi ka qaateen gaari  iyo 15 qori oo isugu jiray boobayaasha culus iyo kuwa fudud oo ay lahaayeen ilaalada garoonka No.50.

Warar isasoo taraya ayaa sheegaya  shacabka  ka ganacsada Qaadka in lacago farabadan ay halkaasi ku weynayaan haddii  aan xal degdeg ah loo helin xayiraadda halkaasi ay ku soo rogeen maamulka xarakada Al shabaab,si taasi looga hortago ayaa ganacsatada qaadka waxay  sheegeen in codsi u jeediyeen maamulka xarakada Al shabaab in ay xayiraadda ka qaadaan garoonka No 50 si ay u sii wataan ka ganacsiga Qaadka.

Add New Comment