Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ciidammo nabad ilaalin usooo dirayso Soomaaliya


Xukuumadda Jabuuti waxay  horraantii sannadkan ku baaqeen in ay ciidammo qayb ka qaata howlqalada ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM nabad illaalin  a u dirayso dalka Soomaaliya

wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waxa uu saxaafadda u sheegay
in si degdeg ah 500-askari  loogu diri doono dalka Soomaaliya iyo Qubarro Ciidan oo tababari doona ciidanka dowladda KMG ah ee soomaaliya , wasiirku waxa uu shaaca ka qaaday in dalkiisa uu diyaar u yahay gacan-siinta dowladda iyo ka qaybqaadashada sida dib loogu soo celin lahaa  ammaanka  shacabka  Soomaaliya.

Dowlada dalka  Jabuuti iyo Hoggaamiyaheeda Cumar Geelle waxay markastaa isku howlaan in Soomaaliya ay mar labaad masraxa dowladnimo kasoo muuqato, marar badan ayay culayska saartay sidii Shacabka Soomaaliyeed loogu heli lahaa dowlad nabad kusoo dabaasha ,sida lawada ogyahay  dalka Jabuuti wxaxaa lagu so dhisay  dowladi Cali Mahdi , dowladdii Cabdiqaasim iyo dowladda maanta joogta ee Sheekh Shariif oo  haatan dagaalada kula jirto xarkada Al Shabaab al mujaahidiin iyo Xisbul Islaam, dowladda dalka Jabuuti waxay dhowr jeer oo hore cambaareyn u jeedisay kooxaha dagaallada kula jira dowladda KMG ah waxayna ugu baaqday inay nabadda qayb ka qaataan.

Add New Comment