Jery Rowlings oo loo magacaabay Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.


 Gudoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping ayaa u magacabay Madaxweynihii hore ee Ghana Jery Rowlings  ergeyga cusub ee u qaabilsan Midowga Afrika Arrimaha Soomaaliya .

Magacaabistan ayaa ka dambeysay markii Midowga Afrika horay loogu baaqay inuu u magacaabo Soomaaliya shaqsi magac ku leh Caalamka, si siyaasada guuldareysatay ee Soomaaliya uga gado Caalamka.

Jery Rowlings ayaa waxaa uu labo jeer Madaxweyne ka soo noqday dalka Ghana, isagoo labo jeer oo horena kula wareegay xukunka dalka Inqilaab Milateri, hase ahaatee labadii jeer ee dambe uu hirgeliyay doorashooyin iyo xisbiyo, taasoo markii dastuurka dalkaas u saamixi waayay inuu mar kale noqdo Madaxweyne, maadaama labo jeer uu doorasho galay.


Ergaygan, cusub ayaa waxaa lagu soo beegay magacaabiddiisa iyadoo lagu wado in 15-ka bishan ay kulan looga hadlayo ammaanka Soomaaliya yeeshaan xubnaha golaha ammaanka iyo nabadgalyada ururka Midowga Afrika, kaasoo looga hadli doono howlgallada AMISOM.

Add New Comment