Cabdirisaaq Waaberi iyo Amir Adan oo loo doortay in ay xubin ka noqdaan baarlmaanka dalka Sweden


Cabdirisaaq Waaberi iyo Amir Adan oo loo doortay in ay xubin ka noqdaan baarlmaanka dalka Sweden
 Dhamaadkii bishii Sebtember ee sanadkan 2010 waxaa dalka Sweden ka dhacay doorashooyinka baarlamaanka, gobolka iyo degmooyinka. Doorashooyinka waxaa ku tartamaayey xisbiyo badan oo kala ahaa – xisbiyada garabka midig iyo xisbiyada garabka bixid. Iyo xisbiyo yar yar oo aanan baarlamaanka horey ugu jirin.

Doorashadii sanadkan ee dalka Sweden waxaa ka soo baxay natiijooyin iyo waxyaabao badan oo aan horey uga dhicin dalka Sweden. Waxaa ka mid ah:  

1. Waxaa baarlamaanka Sweden markii ugu horeysay taariikhda soo galay laba qofood oo Soomaali ah oo la kala yiraahdo C/risaaq Waaberi oo ka soo galay caasimadda labaad ee Gothenburg, iyo wiil da’ yar oo la yiraahdo Amir Adan. Waxay labaduba ka socdaan xisbiga talada haya ee Moderaterna. Waxaa hoos ku indha-indheyn doonaa dareenka iyo saameynta ay ku yeelan karta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden.

2. Waxaa baarlamaanka Sweden markii ugu horeysay taariikhda soo galay xisbi cunsuri (Racist) ah oo qaba fikradaha ajnabi-naceybka iyo islaam-naceybka. Xisbigaas oo la yiraahdo Sverigesdemokraterna, wuxuu baarlaaanka ku yeeshay 20 kursi oo ka mid ah 349 kursi ee baarlamaanka, wuxuu isla markii abuuray jawi aad u adag, dood iyo in uu kala qeybiyo xisbiyadii baarlamaanka horey ugu jiray.

3. Arrinta saddexaad ee ka soo baxday doorashooyinka dalka Sweden waxay noqotay in xisbigii dalka ugu weynaa isla markaana talada dalka inta badan oo hayey ayaa waxaa ku dhacay khasaaradii ugu darneyd boqolkii sano ee ugu dambeeyey, waa xisbiga Socialdemokraterna oo horey boqolkiiba 30 codadkii dalka. Taasi waxay noqotay jab iyo khasaaro aad u ballaaran oo ay la kulmeen hogaamiyayaasha xisbiga Socialdemokraterna ee dalka Sweden, ayaga oo waayey awooddii baarlamaanka iyo midkii magaalada caasimadda ee Stockholm, markii labaad, labadii doorasho ee ugu dambeeyey.

4. Waxaa maamulka siyaasiga ee magaalada Stockholm (Kommunfullmäktige) soo galay saddex Soomaali ah oo ka kala socota saddex xisbi – Eng. Cawad C/rixman Xisri (xisbiga Miljöpartiet), Rahman Diiriye (xisbiga Moderaterna), Xasan Wuqooji (xisbiga Socialdemokraterna), iyo Kaahin (xisbiga Moderaterna) oo galay maamulka caafimaadka iyo gaadiidka ee gobolka Stockholm (Stockholm Landsting). Waa markii ugu horeysay ee ay Soomaalidu kuraas ku yealato baarlamaanka dowladda hoose ee magaalada Stockholm. Waxaa sidoo kale magaalada Katrineholm soo galay maamulka magaaladaas Yaasiin Maaxi oo ka socda xisbiga Socialdemokraterna. 

In Soomaalida Sweden ay laba xildhibaan ku yeeshaan baarlamaanka dalka Sweden waa horumar weyn oo ay gaareen guud ahaan Soomaalida qurba-joogta ah gaar ahaan Soomaalida Sweden. Ma jiro dal kale oo ku yaala galbeedka dunida oo ah meelaha ay Soomaalidu u soo qaxday oo xildhibaanno ku leh baarlamaanada dalalkooda. Taasi macnaheesi waxa ay yeelan kartaa macnooyin badan, balse waxaan rabaa in aan soo qaado hal qodob oo aan ka arkay dareenka dadka Soomaaliyed ee magaalada Stockholm. Labada xildhibaan ee Soomaaliyeed (C/risaaq Waaberi iyo Amir Adan) waxa ay baarlamaanka u fadhiyaan xisbiga Moderaterna oo ah xisbiga ugu weyn xisbiyada garabka midig, waa xisbi aysan Soomaalidu u codeyn  jirin, isla mar ahaan taasna ay u arki jireen xisbi ka soo horjeeda danaha iyo maslaxada Soomaalida. Soomaalida dalka Sweden waxay u codeyn jireen ama illaa iyo hadda u codeeyaan xisbigii talada dalka heyn jiray ee Socialdemokraterna, ee hadda u ku dhacay jabka weyn. Ma dhicin in xisbiga Socialdemokraterna ee ay Soomaalidu codkooda siin jireen in uu gaarsiiyo baarlamaanka amaba fariisiyo maamulada degmooyinka sida magaalada Stockholm.

Haddaba waxaa muuqata in xisbiga Moderaterna ee talada dalka haya uu Soomaalida siiyey fursad qaali ah una furay albaab weyn oo ah in Soomaalidu ay ka mid noqon karto 349-ka qofood ee u taliya dalka Sweden. Ayada oo xildhibaan C/risaaq Waaberi uu yahay in wadaad ah isla markaana madax u ah ururada islaamiga ee dalka Sweden. Xisbiga Moderaterna ee haya talada magaalada Stockholm waxa uu door weyn ka qaatay masaajidka ugu weyn magaalada Stockholm oo la siiyey ururka islaamiga ee Järva Islamiska Förbundet ee ay Soomaalidu maamusho.

Waxaa muuqata in Soomaalidu ay gaartay maqaam iyo darajo weyn oo ay ku yeelatay bulshada Sweden, waxaa kaloo muuqata in uu isbedeli doono aragtida ay Soomaalida ka qabeen xisbiyada dalka.


Add New Comment