Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa maanta ku kulmay magaalada Jabuuti


Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar ayaa kulankooda wadatashiyada dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa waxay ay ka wadahadleen qofka noqon kara Ra’iisul wasaarahaasi cusub ee loo soo magacabayo dowladda KMG Soomaaliya.



Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif,safarkiisa dalalka geeska Afrika uu ku marayo waxa uu ku qotomaaa wadatashi uu dawladaha dariska la ah Soomaaliya inuu kala sameynayo wada xaajood ku aadan qofka ku haboon  xilka ra’isal wasaarannimada  dalka Soomaaliya, dowladdaha deriskana wada shaqayn ay dhexmari karto kaasoo aan laga qabin xasaasiyad.

Wafdiga Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay u sii dhaqaaqaan wadamo kale oo ka tirsan Qaarada Afrika sida wadanka Kenya, marki uu wada hadalka uu lasoo dhammaysto wada xaajoodka dowladdaha deriska ah,  Madaxweynaha Soomaaliya shiikh Shariif  marka uu kusoo noqdo wadanka waxaa laga sugayo   inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare Cusub oo wax gal ah .

Add New Comment